Kala xiriir Pine Tree Legal Assistance

Kala xiriir Pine Tree Legal Assistance wixii caawimaad Sharci eed u bahantahay

Talefanka

Naga soo wac lambarka 942-8322 saacadaha aan shaqeyno:

  • Maalmaha Isniinta 12:00 pm – 2:30 pm 
  • Maalmaha Talaadada 9:00 am – 11:30 am 
  • Maalmaha Khamiista 9:00 am – 11:30 am 

Qof ahaan

Adigoo imaanaya xafiisyadeena ku kala yaala:
Augusta: Maalmaha Arbacada 9:00 – 11:30 am
Bangor: Maalmaha Arbacada 1:00 – 4:00 pm
Lewiston: Maalmaha Jimcada 9:00 - 11:30 am
Machias: Maalmaha Isniinta 9:00 – 11:30 am 
Portland: Maalmaha Arbacada 9:00 – 11:30 am 
Presque Isle: Maalmaha Isniinta, Maalmaha Arbacada, iyo Maalmaha Jimcaha 9:00 - 11:00am. Waxaan sidoo kale diyaar idin nahay saacado kale oo ah xilliyyada  la shaqeeyo, wac xafiiska Presque Isle si aad u weydiiso waqtiga la heli kar

Adigoo imaanaya goobaha aan ku caawino bulshadeena:
Houlton Town Office: Arbacada 1aad iyo mida 3aad ee Bisha, 1:00 - 3:00 pm 
Fort Kent Town Office: Jimcada 1aad iyo mida 3aad ee Bisha, 1:00 – 3:00 pm

Ma ku hadashaa luuqad aan ahayn Af Ingiriis? 

Haddii aad na soo wacdo ama aad imaato xafiiskeena, codso turjumaan isla markaasba. Waxaan ku siin doonaa turjumaan iyadoo aana wax lacag lagaa qaadaynin. 

Waxaad sidoo kale naga soo wici kartaa 207-942-8322. Riix “2.” Kadibna riix: 

  • Pulse 1 para español. (1 hadaad rabto Af Isbaanish)
  • (2 hadaad rabto Af Carabi) للغة العربية اضغط الرقم اثنان
  • Haddii aad rabto Af Somali riix 3. (3 hadaad rabto Af Somali)
  • Pressione 4 para Português. (4 hadaad rabto Af Burtuqiis) 
  • Fina 5 pona lingala. (5 hadaad rabto Af Lingala)
  • Appuyez sur 6 pour le français. (6 hadaad rabto Af Faransiis)
  • Peze 7 pou Kreyòl Ayisyen. (7 hadaad rabto Afka Haitian Kreyòl)

 
Fadlan noo reeb fariin aad nagu ogeysiinayso meesha aad ka joogto gobalka, dhibka aad wajahayso, iyo sida aan kuula soo xiriiri karno. Xubin ka tirsan shaqaalaha ayaa dib kuula soo xiriiri doono 5-7 maalmaha la shaqaynaayo gudahood.

Maxay Pine Tree Legal Assistance qabataa?

Pine Tree Legal Assistance (PTLA) waa hay'ad samafal sharci oo rayid ah – tani waxay ka dhigan tahay inaan ka caawino dadka qaba arrimaha sharciga aana ahayn kuwa ka dhanka ah danbiyada inay xalliyaan dhibaatooyinkooda. Mararka qaarkood tani waxay u egtahay inaad kula hadasho taleefanka si aad talo uga siiso dhib, mararka qaarkoodna waxay ka dhigan tahay wakiil buuxa oo qareen ka ah maxkamada. 

Qaar ka mid ah dhibaatooyinka ugu caansan ee aan dadka ka caawinno inay xalliyaan ayaa ah:

  • Guryaha kirada, sida guri ka saarida, guryaha aan lagu noolaan karin, ama kutaanada.
  • Dhibaatooyinka ka jira manfacyada sida SNAP (kaadhadhka cuntada). TANF, Mainecare, ama Kaalmo Guud
  • Carruurtu aan helin waxbarashada ama adeegyada ay u baahan yihiin si ay u bartaan oo ay ugu amaan helaan dugsiga. Booqo barnaamijkeena KIDSLegal
  • Dhibaatooyinka haysta macaamiisha sida kuwa daynta aruuriya, kaararka kiridhitka, deymaha ardayga, canshuuraha guryaha, la wareegidda hantida, iyo gadashada baabuurta la soo isticmaalay.
  • Dhibaatada qofka ka haysata IRS ama canshuurta dakhliga federaalka. Booqo Rugta Dadka cashuur bixiyaha ee dakhligooda hooseeya
  • Takoorka ka jira guryaha, oo ku salaysan waxyaabaha ay ka midka yihiin isirka, diinta, naafanimada, ama inaad caruur kuu joogaan. Booqo Qaybteena Guryaha oo Cadaalada ah.
  • Caawinta halyeeyada ciidanka iyo hagaajinta heerka ka bixida milatariga Booqo Qaybteena Halyeeyada Ciidanka ah.
  • Dhibaatooyinka ka jira maxkamada xaliso kiisaska dadka u dhashay wadanka iyo aqoonsiga qabiilka. Booqo Qaybteena Dadka U dhashay Wadanka
  • Dhibaatooyinka caafimaadka/badqabka, mushahaarka, iyo xaalada ay ku nool yihiin shaqaalaha beeraha. Booqo Qaybteena Shaqaalaha Beeraha

Kaama caawin karno:

  • Kiisas fal-danbiyeedka quseeya:
  • Dambiya khuseeya ku xad gudubka gaadiidka
  • Dhaawaca qofka soo gaaray
  • Ma awoodno inaan qabano wacitaanno ku saabsan dhibaatooyinka Sharciga Qoyska. Waxaanu wax ka qabanaa kiisaska Sharciga Qoyska ee la xidhiidha weerar galmo ama rabshadaha qoyska iyada oo loo marayo in qofka loogu sameeyo gudbin gaar ah ururo dadka u dooda oo ku kala sugan Maine oo dhan. Haddii aad wajahayso xadgudub galmo ama rabshad guri la xiriir adeegyadaas si aad u ogaato waxa sharci iyo agab kale oo aad heli karto. Kala xidhiidh wixii ah in lagaa caawiyo iyo in lagaa taageero rabshadaha qoyska. Kala xidhiidh wixii ah in lagaa caawiyo iyo in lagaa taageero xadgudubyada galmada.

Waxa ay tahay inaad filato markaad la xidhiidho PTLA

Haddii aad ku helayso caawimaada qof ahaan ama talefanka, tallaabadeena kowaad waa in 'horta ku waraysana'. Mid ka mid ah garyaqaannadayada tababaran ayaa si gaar ah kula hadli doona si uu u helo macluumaad dheeraad ah oo adiga iyo xaaladdaada ku saabsan.

Si aan u ogaado haddii aan ku caawin karno, waxaan u baahan doonaa inaan ku weydiino su'aalo badan. Waxaan ku waydiin doonaa: 

  • Arrinkaaga sharci 
  • Magacaada iyo magacyada dadka kale ee ku lugta leh
  • Macluumaadka lagaala soo xiriiri karo
  • Dakhligaaga iyo hantidaada

Waxaan su'aalo ka waydiin doonaakooxaha bulsheed eed kaso jedid, su'aalahas oo ay ka mid yihin dalka aad u dhalatay ama xaladaada sogalooti. Lama wadaagi doono macluumaadka socdaalka USCIS ama ICE. 

Mararka qaarkood ma awoodno inaan kaa caawino arrintaada sharci. Sababta aanan awoodin inaan kuu caawino:

  • Maahan arin sharci oo ay Pine Tree wax ka qabato
  • Waxa dhici kara inay kiiska dhinacayaga jiri karan  dano iska so horjeda xeerarkeena cadaalad falkuna noma samexayan inan ku caawino.
  • Waxaan leenahay xad ah cidda aan ku caawin karno iyadoo ku saleysan dakhliga iyo hantida – iyo haddii ay dakhligaagu iyo hantida ka sareeyan xadkaas waxaa laga yaabaa inaanan awoodin inaan ku caawino.
  • Qaar ka mid ah maalgelinteena ayaa kaliya noo ogolaata inaan caawino dadka qaba sharciyada socdaalka qaarkood – marka waxaa jira dad aan caawin karin.

Haddii aad u qalanto, waxaan ku weydiin doonaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan arrintaada sharci. Waa, wax na anfacaya in aad so qaadatid wax kasta oo qoraal ah oo aad ka hayso arrintaada. 

Markaan helno macluumaadka aan u baahanahay, waxaan ogaan doonaa inaan ku siin karno talo ama haddii aan shaqo badan ka qaban karno kiiskaaga. Haddii aan ku siino talo, qareenka aqoonta leh ayaa kula shaqayn doona adiga iyo qareenka si uu kuu siiyo talo sharci oo ku saabsan kiiskaaga. Haddii aan shaqo badan ka qaban karno kiiskaaga, waxaan u diri doonaa mid ka mid ah qaybteena halkaas oo shaqaalaheennu ay si wadajir ah uga shaqeyn doonaan, iyo adiga, si aad gacan uga geysato xallinta dhibaatadaada. Qof ka tirsan unugga ayaa kula soo xiriiri doona hal toddobaad gudaheed, ama ka hor haddii arrinkaagu uu degdeg yahay. 

Waa maxay sababta ay u adag tahay in lagugu helo telefoonka? 

Waxaan ognahay in sugitaanka khadka taleefankeenu uu noqon karo mid dheer. Waxaan u adeegnaa gobolka oo dhan, dad badanina waxay u baahan yihiin caawimadeena. Sannad kasta waxaan ka shaqeynaa in ka badan 6,000 oo kiis laakiin waxaan helnaa in ka badan 10,000 oo codsiyo gargaar ah. Haddii aad na soo wacdo saacadaha aan talefanka ku shaqeyno oo aad khadka ku sugayso, qof ayaa ka jawaabi doona taleefoonkaaga oo kaala hadli doona arrintaada. Waqtiyada sugitaanku mararka qaarkood way gaaban yihiin bilowga iyo dhammaadka galin kasta. 

Ammaan ma ii tahay inaan la hadlo Pine Tree?

Waxaan fahamsanahay in nidaamka sharcigu uu noqon karo mid adag oo cabsi leh – way adkaan kartaa in la ogaado qofka la aamino ama waxa la aamino. Waa kuwan macluumaad ku saabsan cidda aanu nahay, iyo waxa aanu samayno ee kaa caawin kara inaad ka jawaabto su'aashan:

  • Pine Tree Legal Assistance ma aha wakaalad dawladeed. Waxaan xoogaa dhaqaale ah ka helnaa gobalada iyo dowladda dhexe, laakiin taasi macnaheedu maaha inaan u shaqeyno iyaga. Waxaan u shaqaynaa macaamiisheena. Marar badan waxaan matalnaa dad dhibaato kala kulma hay’adaha dawladda!
  • PTLA wax lacag ah kuguma soo dalaci doono caawimaad sharciga ah. Waxaan siinaa talo waxaanan matalnaa dadka u qalma adeegyadeena iyaga oo aan wax kharash ah ka bixin. Mararka qaarkood macaamiisheena waxaa laga yaabaa inay bixiyaan waxyaabo ay ka mid yihiin kharashyada maxkamadda - laakiin waligeen kuguma soo dallaci doono kharash ku sabsan talo sharci ama adeegyo.
  • Maadaama qaar ka mid ah maalgeliyayaasheena ay u baahanyihiin, waxaanu ku waydiin doonaa xaaladaada socdaalka. Marna lama wadaagi doono macluumaadka socdaalka USCIS ama ICE. Waxa ugu xun ee dhici doona ayaa ah in laga yaabo in aanaan awoodin in aan ku caawino sababtoo ah xaddidaadyada ka dhanka ah maalgelinteena. Sharciyada ku xeeran waa kuwo aad u adag, laakiin way fiican tahay in lala xidhiidho oo la waydiiyo intii loo qaadan lahaa inaanan kaa caawin karin xaaladaada socdaalka. 
  • PTLA had iyo jeer waxay lacag la'aan kugu siin doontaa turjumaan Ka ogoow wax badan oo ku saabsan xuquuqdaada inaad ku isticmaasho luqaddaada Maxkamadaha Maine.
  • Kama qaadi doono wax tallaabo sharci ah ama cidna kala hadli mayno kiiskaaga, ilaa aan marka hore adiga kaala hadalno arrintan oo aan ku heshiinno inaan sidaas samayno.
  • Haddii aad ka welwelsan tahay inaanaan kuula dhaqmaynin si caddaalad ah, waxaan leenahay hab ay macaamiishu uga dacwoodaan, oo cabashadaas la maqlo oo si dhab ah wax looga qaato. Akhri Siyaasaddeena Cabashada Macmiilka.


Wax war-celin ah maka haysaa websaydkeena? Isticmaal fomkeena war-celinta laga helayo websaydkeena si aad noo ogeysiiso!